Tuesday, August 9, 2016

Sheeko (Anigaa Qaldmay)






Waxaa lagu jiray xili xagaaya , Berberana  waxaa laga dareemayey kulayl xad dhaaf ah,
 Quule waa nin xoogsato ah oo ku shaqaysta  baabuur nooca  loo yaqaano laankaruusar (Land cruiser)
Wuxuu ka ambaxay Hargeysa isago kalidii ah, si uu uga soo qaado madaarka Berbera dad qurbaha ka yimi  oo   ku sugnaa , qiyaasti markuu dhaafay degmada   Abdaal oo u dhexaysa Hargeysa iyo Berbera  ,wuxuu jidka ku  arkay nin waalan ama maskaxda ka jiran  , lugaynayna laamida oo  aan xidhnayn  kabo, jawaan weyna xambaarsan
Intuu aad igu naxay ninkan iyo sida u dhibaataysan yahay ee bacadka iyo kulayka dhex socda , ayuu baabuurkii joojiiyey ,caagad biyo ah oo  gaadhiga u saarnaydna wuu waraabiyey, intaa kumuu joojige daaqadii gaadhiga ayuu  ka furay, waxaanu ku yidhi soo kor oo soo fuul gaadhiga, ninkii waalaana intuu madaxaa ruxay oo uu dhoola cadeeyey ayuu soo fuulay  isaga iyo xamaantiisiiba ,
Waanu dhaqaaqay gaadhigii , ilaa saacad badhkeed  markii gaadhigii  socday, ee midna midka kale aanu la  hadlayn , ileen  dirawalku wuxuu ku mashquulaysaan  wadadii isagoo ka taxadiraya baabuurta kale ee si aanu shil u gelin , halka   isna  sidaa si lamid ah ninka waalana ku mashquulsanaa  bacdii xashiishka ahayd ee uu sitay.
Jaba waa ka dambeyee ,  ninkii waalaa intuu kolba hoosta ka  yara khaawiso ninkan gaadhiga wada, isagoo  iska  hubinaya  in dirawalku    soo eegayo  in  kale ayuu ogaaday in aanu kaba warhaynba waxaanu la soo baxay bahashan kaneecada iyo cayaayaanka kale  lagu buufiyo ee loo yaqaano Biif –baafta , waxaanu wajiga kagaa buufiyey isagoo sii jeedda ,  dirawilkiina intuu naxay ayuu baabuurkii wadaddii kala baxay oo dhex jibaaxay dhir iyo dhagaxaan waaweyn oo wadadda hareeraheeda yaalay , nasiib wanaag waxaa gaadhigii joojiyey ciid tuulan oo ka hortimid , intuu ninkii dirawalka ahaa deg- deg gaadhigii uga soo booday , ayuu daaqadii ninka waalan furay isagoo gacantana  bir ku sita oo ku dhaqaaya soo deg soo de goo na soo dhaaf  , ninkii waalana wuxuu ku yidhii waar hay dil waar hay dilin , waanu uga degay gaadhigii , ninkii dirawalka ahaa intuu bacdiisiina u tuuray, ayuu kagaa dhaqaaqay meeshii, ninkii waalaana intuu iska qoslay ayuu dhagax ka daba tuuray , waxaanu ka jabiyey muraayadii dambe gaadhiga.
 Ninkii markuu dareemay in muraayadii dambe ka jabtay  baabuurkii, ayuu joojiyey, kana soo degay waxaanu la baxay  shaadhkii halkii baanu kula  dagaalamay ninkii waalaa, waxaa iyagoo isla kadeedan meesha soo maray  laba nin oo reer miyi ah , waxay garteen in nin waalan iyo nin kale islaynayaan , waanay kale qabteen ,  iyagoo ninkii miyirka qabay  ku leh waar ilaahay sidiisoo kale kaa dhigye maxaad ninka waalan ula degaalmaysaa sodiga adigu fayow ee gaadhi wata , ninkii   dirwalka ahaa oo cadhaysan baa yidhi  “anigaa  qaldmay”

WQ: Kamaal Xassan Isaaq
Tell:  063-4402758  ama kamalcadow@hotmail.com
Hargeysa Somaliland

Waxaan la ooyayaa Gaajo!




Waxaanu ku caweynayn aniga iyo saaxiibkay maxamed Adam,Hudheel ku yaala badhtamaha caasimada Hargeysa, oo lagu magacaab Kulmiye , hudheekani wuxuu caan ku yahay dhalinyarada ayaa inta badan habeenkii hor fadhiista, anigiyo saaxiibkayna waxaanu ka mid ahayn dadkii goortaas ku sugnaa , shaah aanu dalbanay ayaanu cabaynay , dad dhalinyaro u badan baana fadhiyey , waxaaa dhagahayagu ay maqlayaan oo kaliya buuqa dadka iyo sawaxanka gaawaadhida , inkastoo dhalinyaradu koox koox u fadhiyeen oo midba midka kale sheekaysanayey hadana suurto gal may ahayn in qofku ogaaddo waxaa hareerihiisa ka socda…..
Si lama filaan ah Waxaaa noo soo garab istaagay wiil yar indhihiisa ilmo ka soo dareerayso , waa 9 sano jir , diif iyo daranyo badani ka muuqato afkiisana luunku ku wareegsan yahay,
Intaan naxay, ayaan waydiiyey sababta uu u ooyayo iyo cid dishay, wuxuu noogu jawaabay, Cidna imay dilan laakiin waxaan la ooyayaa gaajo , calooshana I xanuuntay markaan waayey wax aan cuno , anigiyo saaxiibkay ayaa kursidii aanu ku fadhinay kor uga soo boodnay shaahii aanu cabaynayna dhulka iska dhignay , wiilkan yar oo lagu magacaabo Khadar ayaa sidoo kale baala daymoonayey markii intuu noosheegay , iyadoo aad moodo in cid kale oo uu la socoy sii jaleecayo , isla markiiba waxaan su’aalay in cid kale la socotay iyo in kale , wuxuuna noogu fal celiyey, haa , haa , haa walaalkay oo gaajaysan baa isna halkaa ku dhuumanaya, waanu ka xishoonayaa in uu dadka hortooda imaado ,
U yeedh baanu nidhi , isla markiiba wuu noogu yeedhay , waase mid aan waxba ka weynaynba , isna waxa lagu magacaaba Cabdiqaadir, Cabdiqaadir waa 10 sano jir , oo isna sidii Khadar yaroo kale casho uu cuno raadinaya , hadal kaleba umaanu geline hudheelkii ayaan fadhiisinay waxaan uga dalbay laba casho wiilashii yar yaraa , waar carruur gaajaysaniyo caadkeede , halkiibay ku xasileen ,intii cashada ay cunayeen , ayaan ka codsaday in ay isoo markaan marka ay cashada dhamaystaan igunu soo maraan, Hudheelka barxadiisa oo aan fadhinay anigiyo saaxiibkay, waanay naga aqbaleen. Iyagoo faraxsan bay nagu soo laabteen ,
cabdiqaadir yare oo faah-faahin ka xaalada qoyskooda , sababta ku kaliftay inay suuqa ka dawarsadaan iyo mudada ay hawshan ku jireen waxaa u yidhi sidan
Qoyskaygu wuxuu ka koobnaa 9 qof oo kala ah hooyo iyo aabbe , iyo 7 carruura oo aanu ka mid ahayn
Waxanay kala ahayeen 3 wiil iyo 4 gabdhood , carruurtayda ka noogu weyni waa 16 jir halka ka noogu yarina uu jiray qiyaasti mudo bil ah,
Waanu iska faraxsanayn dhamaantayo noloshu siday doontaba ha ahaate , waxaanu ku noolayn oo aanu degnayn Magalada Hargeysa imikana aanu ku noolahay, aabbahay wuxuu ahaa nin xoogsade ah oo dirwal wuxuna wadi jiray gawaadhida waaweyn ee ukala goosha magaalooyinka Soomaliland imikana uu wadaa , hooyadayna guriga ayey iska joogii jirtay,
maalin ka mid ah ramadaantii ina dhaaftay ayuu aabbahay , hooyaday ku yidhi , afurka ii samee , Iyana waxay tidhi , “waam xanuunsanayaa kuumana samayn karo” In badan baanay murmeen , nasiib daro markii ay dhawr maalmood ka soo wareegeen ,
Ayuu la soo hadlay waxaanu ku yidhi , odayaashiinii u yeedho , waan ku furayaaye maxkamada iigu kaalaya , waanay tagtay , isla markiinaba warqadii ayaa loo soo dhiibay , sidaas baana hooyaday lagu furay, ayuu yidhi Cabdiqaadir yare, isagoo madaxa ruxaya. Kana xun waxaa ku dhacay hooyadii
Maalintii wixii ka dambeeyey, anigiyo walaalkay khadar yare suuqa ayaanu soo galay , waxaananu bilownay in aan dawarsano , si aanu hooyaday iyo carruurtaydada ugu geyno wax ay cunaan , in kasta oo dadka suuqu joogaa ay kala duwan yihiin oo qaarna ku caayaan ama noo han jabaan , qaarna wax nasiiyaan sidiinan oo kale .
Aabahayna markuu hooyaday furay baa noogu dambaysay ! !!
Halkaa markay ay sheekadu marayso aniga iyo ninkii aanu saaxiibka ahaynba jidhkaa na dubaaxiyey , waananu ka xumaanay xaalada adag ee carruurtaas yar yari ku sugnaayeen,
Khadar iyo Cabdiqaadir iyada oo noloshaduu sidaa tahay hadana kamay niyad jabin inay waxbarashadoodii sii wataan, waxay dhigtaan mid ka mid ah dugsiga hoose dhexe dawlada, fasalka 5 aad iyo fasalka 2aad, waa sida ay u sheegeene , waxaa intaa dheer oo ay noosheegeen inay degan yihiin hal kiro ah kana bixiso lacagtiisa ayeydood , waxaa intaa dheer carruurtan yar yari kamay soo haajirin dhul shisheeye ama wadamada aynu jaarka nahay ee waa carrruur u dhalatay dalkan jamhuuriyada Somaliland ,
Dhinaca kale waxaynu la soconaa in bulshadeenu maanta ay noqotay laba dabaqadood mid hawada sare maraysa oo fooqyo dhaadheer dhistay oo aan arkay waxaa ka hooseeya iyo qolo dhulka jiifta oo aan awood u lahayn inay helaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee noloshu u baahnayd,
Kolay indhihuunu waxay qabtaan uun dadka ajaaniba ee wadanka ka dawarsanaya laakiin dadkii dalkan u dhashay guryahooda ayey hoosta ka soo xidhaan cidaan alle ahayna baahidooda uma ban dhigaan , ilaahayna wuu karaa inuu wax walba siiyo , laakiin inaga ayaa laynagu eegayaa waxaa aynu ka yeelo , somaliduna waxay ku maah-maahdaa” bawdyo rag maalinba mid baa qaawan”
Haa ,Way jiraan boqolaal qoys oo xaaladahan oo kale ama kasii qalafsan ku nool oo jooga dalkeena hadana aan laga warhayn, ugu dambayntii waxaan ummadda wanaaga jecel u soo jeedinayaa in ay ka soo talo bixiyaan wixii laga yeeli lahaa qoyska dan yarta ah iyo carruurtan qarka u saraaran inay noqdaan derbi jiifka si loo badbaadiyo noloshooda , dhamanteenba masuuliyiin baynu nahay , ilaahayna waa ina waydiinayaa maalinta qiyaamaha qof kastaaba sidii uu uga soo baxay masuuliyadii la saaray, wakhtigan aad arkaysana waa sida habeenka iyo maalintu isku bedelaan
Imisaa shalay wax haystay oo maanta dawarsada imisa shalay dawarsanayey oo maanta tujaara, waar carruurtan yar yar aynu naxariisano cid ay anficiba allaa oge…….
W/Q: Kamaal Xassan Isaaq
Tell: 00252-634402758
Hargeysa Somaliland

Saturday, July 30, 2016

Badbaadada carruurtu waa badbaadada bulshadeena (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

Qofkastaba  oo imika dhalinyaro ama weyni   wuxuu ahaan jiray carruur dhammaanteenba waxaynu   haysanaa ama gacanta ku haynaa  carruur ama waxaynu rajaynayaa in aynu carruur dhalno, qofna kama maarmo carruur calashaaan hooyo iyo aabbe inaynu noqo, bulshadeena qaybta ugu badani waa carruur iyo dhalinyaro.
Sidaas oo ay tahay waxa yar goobaha loogu talo galay in lagu wacyi geliyo , in wax lagu baro  iyo in caafimaadkooda lagu daryeelo carruurta, uma jeedo   in aanay lahayn Xanaanoyin iyo iskuulaalo goobo ay ku ciyaaraan, intee in leeg baase awood u leh inay hesho adeegyadaas, miyeynaan odhan Karin in ka badan boqolkiiba  todobaatan  oo u badan carruurta reer guuraaga ah, sabool, darbi jiifka, Naafada, agoomaha, carruurta laga tiraada badan yahay iyo kuwo kale oo badani ma heli karaa xataa inay dugsi tagaan, waxaynu aragnaa Hay’addo fara badan oo ka shaqeeya baahiyaha carruurta, waxase dalka  ka maqan, siyaasadii lagu hagi lahaa  carruurta, ee lagu midayn lahaa kuwa waalidiintoo awood leeyihiin iyo kuwa ka soo jeeda qaybaha aynu kor kusoo sheegay, ee ku nool koonayaasha magaalooyiinka, miyiga iyo wadooyinka dhexdooda, tusaale  maxay ka ogyihiin culimada, tijaarta/maalqabeenada iyo xukuumadu baahiyaha gaarka ah ee carruurta
Sida, maalmo aynu u naqaano kuwo farxadeed laakiin iyaga  u ah kuwa ugu muruga badan noloshooda, markaad ka eegto xusuusta iyo raadka ay ku yeelanayso maskaxda ilmaha, ka soo qaad, ama adiguba isku metel, markaad kaxayso Carruurtaaada  maalmaha ciida ama munaasibadaha kale  imisa carruur ah ayaad ku sii dhaaftaa wadooyinka ama dayrka  hore  ee goobaha carruurta loo dalxiis geeyo.
Ilmahaagu hadduu nasiib  u helay  aabbo keena goobtan, isagu(ilamahan kale nasiib uma yeelan inuu helo  aabbo keena goobtan, adna maad gudan waajibaadkii aabbonimo ee ilmahan waayey aabbihii,  taasi waxay ku tusaysaa in aad meel kaga dhacday masuuliyadii aabbanimo ee  ku saarnay.
Xusuuso ayaamo fara badan oo adiga ama qayrkaa soo maray, sidaan ognahayna dadkeenu ama bulshada aan ku dhex noolahay, waa kuwo ku dhashay diinta islaamka  oo gabi ahaamba ina faraysa naxariista, markaasi waxaa suuro gal ah aabbo in ilmahaaguba, bari ka maalin noqdo karo agoon ileyn qofna damaanad u haysto in uu waligiiba noolanayee, hadaba si  loogu naxariisto, u naxariiso carruurta agoomaha iyo kuwa nasiibku ka hiiliyey ee agagaarkaaga jooga, waxaa dhici doonta in kuwaagu if iyo aakhiro  midna  aanay ku hoogin, u hiili darbi jiifka  iyo kuwa dar xumaysan si loogu hiiliyo Carruurtaada, Illaahayna xaqa hayna waafajiyo.

WQ: Kamaal Xasan Isaaq

Qisadii hadlkeed joogtaa iyo wixii iga raacay !





Qisadii hadlkeed joogtaa iyo wixii iga raacay !

 





Waxaanu balansanayn nin aanu saaxiib nahay oo taksiile ah (Taxi driver)   lambarkiisi Ayaan garaacay ama wacay oo aan kala hadlay , waxaan waydiiyey halka uu ku sugan,    intuu xanaaqay ayuu si cadho leh iigu yidhi maxaa kaa galay halkaanu joogno dantaada uun ka hadal,
Annoo yaaban! Ayaan hubiyey in lambarka telefoonku iga qaldan yahay iyo in kale mise waa ninkii aanu saaaxiibka ahayn ee jaamac,  waan ku celiyey hadan wuxuu igu yidhi imikaan kuu imanayaaye diyaar garow waan soo socdaaye ,wuu isoo gaadhay waxaanu dhahay  soo fuul gaadhiga .
Intaa soo garab istaagay gaadhiga daaqadiisi ayaan ku idhi  waar yahaye  Jaamac  maxaa kaa soo maray eraygan “halkeed joogtaa” ee aad iga cadhootay kolkaan kula soo hadlayey,  ninkii jaamac ahaa  wuxuu  iiga sheekeyey qisadan kooban.
Maalin maalmaha ka mid ah nigoo wata gaadhigayga oo taagaan suuqa ayaa telefoonkayga waxa iga soo wacay nin wuxuu si deg deg ii ugu yidhi” Halkeed Joogtaa” anna ismaan dhibine waxaan ugu jawaabay “ halkaa khayriyada “suuqa badhtankiisaan joogaa anigoo u malanaya mid ka mid dadkii macmiilka ii ahaa ee baabuurka iga kiraysan jiray”  qadar daqiido ah  ka dib  waxaa gabigaygiiba iskuweer iga  qabtay aniga iyo gaadhigaygiiba saddex gaadhi oo boolis ah,  inta gawda layga saaray oo lay garaacay ayaa la geeyey saldhigii  anigoon meel nool lahay ,waan miyir belay Waxaa ku baraarugay anigoo saldhigii  dhex jiifa oo qaar maxaabiis ahi iga dul sheekaysanayaan.
Indhihii aan kala qaadayba su’aalo ayey  ila boobeen iyagoo leh  oo maxaa lagugu soo xidhay noo sheeg noo sheeg ? wax allaale wax  aan ku jawaabo ma garanayo , waan iska aamusay.
Laba cisho markaan xidhnaa , ayaa maalintii saddexaad waxaa nasoo hor istaagay laba askari iyo qof shiciba , waxaanay yidhaadeen isagii maaha waynu ku qaldanay ninkan   soo daaya  , waar iska bax qof baanu kugu qaladnaye ,qofkiina waanu helay fasax baad tahay sacaada laga bilaabo ,
Anigoo aad u cadhaysan oo meel waliba I kuusan tahay  Ayaan kabahayagii , suunkagyii iyo furihii gaadhiiba qaatay.
Maalintaa wixii ka dambeyey  saaxiibow  anigu waan ka xanaaaqaa Halkeed joogtaa haddii laygu yidhaa !

W/Q: Kamal Xassan Isaq