Tuesday, August 9, 2016

Waxaan la ooyayaa Gaajo!




Waxaanu ku caweynayn aniga iyo saaxiibkay maxamed Adam,Hudheel ku yaala badhtamaha caasimada Hargeysa, oo lagu magacaab Kulmiye , hudheekani wuxuu caan ku yahay dhalinyarada ayaa inta badan habeenkii hor fadhiista, anigiyo saaxiibkayna waxaanu ka mid ahayn dadkii goortaas ku sugnaa , shaah aanu dalbanay ayaanu cabaynay , dad dhalinyaro u badan baana fadhiyey , waxaaa dhagahayagu ay maqlayaan oo kaliya buuqa dadka iyo sawaxanka gaawaadhida , inkastoo dhalinyaradu koox koox u fadhiyeen oo midba midka kale sheekaysanayey hadana suurto gal may ahayn in qofku ogaaddo waxaa hareerihiisa ka socda…..
Si lama filaan ah Waxaaa noo soo garab istaagay wiil yar indhihiisa ilmo ka soo dareerayso , waa 9 sano jir , diif iyo daranyo badani ka muuqato afkiisana luunku ku wareegsan yahay,
Intaan naxay, ayaan waydiiyey sababta uu u ooyayo iyo cid dishay, wuxuu noogu jawaabay, Cidna imay dilan laakiin waxaan la ooyayaa gaajo , calooshana I xanuuntay markaan waayey wax aan cuno , anigiyo saaxiibkay ayaa kursidii aanu ku fadhinay kor uga soo boodnay shaahii aanu cabaynayna dhulka iska dhignay , wiilkan yar oo lagu magacaabo Khadar ayaa sidoo kale baala daymoonayey markii intuu noosheegay , iyadoo aad moodo in cid kale oo uu la socoy sii jaleecayo , isla markiiba waxaan su’aalay in cid kale la socotay iyo in kale , wuxuuna noogu fal celiyey, haa , haa , haa walaalkay oo gaajaysan baa isna halkaa ku dhuumanaya, waanu ka xishoonayaa in uu dadka hortooda imaado ,
U yeedh baanu nidhi , isla markiiba wuu noogu yeedhay , waase mid aan waxba ka weynaynba , isna waxa lagu magacaaba Cabdiqaadir, Cabdiqaadir waa 10 sano jir , oo isna sidii Khadar yaroo kale casho uu cuno raadinaya , hadal kaleba umaanu geline hudheelkii ayaan fadhiisinay waxaan uga dalbay laba casho wiilashii yar yaraa , waar carruur gaajaysaniyo caadkeede , halkiibay ku xasileen ,intii cashada ay cunayeen , ayaan ka codsaday in ay isoo markaan marka ay cashada dhamaystaan igunu soo maraan, Hudheelka barxadiisa oo aan fadhinay anigiyo saaxiibkay, waanay naga aqbaleen. Iyagoo faraxsan bay nagu soo laabteen ,
cabdiqaadir yare oo faah-faahin ka xaalada qoyskooda , sababta ku kaliftay inay suuqa ka dawarsadaan iyo mudada ay hawshan ku jireen waxaa u yidhi sidan
Qoyskaygu wuxuu ka koobnaa 9 qof oo kala ah hooyo iyo aabbe , iyo 7 carruura oo aanu ka mid ahayn
Waxanay kala ahayeen 3 wiil iyo 4 gabdhood , carruurtayda ka noogu weyni waa 16 jir halka ka noogu yarina uu jiray qiyaasti mudo bil ah,
Waanu iska faraxsanayn dhamaantayo noloshu siday doontaba ha ahaate , waxaanu ku noolayn oo aanu degnayn Magalada Hargeysa imikana aanu ku noolahay, aabbahay wuxuu ahaa nin xoogsade ah oo dirwal wuxuna wadi jiray gawaadhida waaweyn ee ukala goosha magaalooyinka Soomaliland imikana uu wadaa , hooyadayna guriga ayey iska joogii jirtay,
maalin ka mid ah ramadaantii ina dhaaftay ayuu aabbahay , hooyaday ku yidhi , afurka ii samee , Iyana waxay tidhi , “waam xanuunsanayaa kuumana samayn karo” In badan baanay murmeen , nasiib daro markii ay dhawr maalmood ka soo wareegeen ,
Ayuu la soo hadlay waxaanu ku yidhi , odayaashiinii u yeedho , waan ku furayaaye maxkamada iigu kaalaya , waanay tagtay , isla markiinaba warqadii ayaa loo soo dhiibay , sidaas baana hooyaday lagu furay, ayuu yidhi Cabdiqaadir yare, isagoo madaxa ruxaya. Kana xun waxaa ku dhacay hooyadii
Maalintii wixii ka dambeeyey, anigiyo walaalkay khadar yare suuqa ayaanu soo galay , waxaananu bilownay in aan dawarsano , si aanu hooyaday iyo carruurtaydada ugu geyno wax ay cunaan , in kasta oo dadka suuqu joogaa ay kala duwan yihiin oo qaarna ku caayaan ama noo han jabaan , qaarna wax nasiiyaan sidiinan oo kale .
Aabahayna markuu hooyaday furay baa noogu dambaysay ! !!
Halkaa markay ay sheekadu marayso aniga iyo ninkii aanu saaxiibka ahaynba jidhkaa na dubaaxiyey , waananu ka xumaanay xaalada adag ee carruurtaas yar yari ku sugnaayeen,
Khadar iyo Cabdiqaadir iyada oo noloshaduu sidaa tahay hadana kamay niyad jabin inay waxbarashadoodii sii wataan, waxay dhigtaan mid ka mid ah dugsiga hoose dhexe dawlada, fasalka 5 aad iyo fasalka 2aad, waa sida ay u sheegeene , waxaa intaa dheer oo ay noosheegeen inay degan yihiin hal kiro ah kana bixiso lacagtiisa ayeydood , waxaa intaa dheer carruurtan yar yari kamay soo haajirin dhul shisheeye ama wadamada aynu jaarka nahay ee waa carrruur u dhalatay dalkan jamhuuriyada Somaliland ,
Dhinaca kale waxaynu la soconaa in bulshadeenu maanta ay noqotay laba dabaqadood mid hawada sare maraysa oo fooqyo dhaadheer dhistay oo aan arkay waxaa ka hooseeya iyo qolo dhulka jiifta oo aan awood u lahayn inay helaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee noloshu u baahnayd,
Kolay indhihuunu waxay qabtaan uun dadka ajaaniba ee wadanka ka dawarsanaya laakiin dadkii dalkan u dhashay guryahooda ayey hoosta ka soo xidhaan cidaan alle ahayna baahidooda uma ban dhigaan , ilaahayna wuu karaa inuu wax walba siiyo , laakiin inaga ayaa laynagu eegayaa waxaa aynu ka yeelo , somaliduna waxay ku maah-maahdaa” bawdyo rag maalinba mid baa qaawan”
Haa ,Way jiraan boqolaal qoys oo xaaladahan oo kale ama kasii qalafsan ku nool oo jooga dalkeena hadana aan laga warhayn, ugu dambayntii waxaan ummadda wanaaga jecel u soo jeedinayaa in ay ka soo talo bixiyaan wixii laga yeeli lahaa qoyska dan yarta ah iyo carruurtan qarka u saraaran inay noqdaan derbi jiifka si loo badbaadiyo noloshooda , dhamanteenba masuuliyiin baynu nahay , ilaahayna waa ina waydiinayaa maalinta qiyaamaha qof kastaaba sidii uu uga soo baxay masuuliyadii la saaray, wakhtigan aad arkaysana waa sida habeenka iyo maalintu isku bedelaan
Imisaa shalay wax haystay oo maanta dawarsada imisa shalay dawarsanayey oo maanta tujaara, waar carruurtan yar yar aynu naxariisano cid ay anficiba allaa oge…….
W/Q: Kamaal Xassan Isaaq
Tell: 00252-634402758
Hargeysa Somaliland

No comments:

Post a Comment